4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Faahfaahin: Dibadbax isku baddelay rabshad oo maanta ka dhacay Jigjiga

Jimco, April, 12, 2019 (HOL)– Dibadbax ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Jigjiga gaar ahaan agagaarka masjid nuur oo ku yaal xaafadda 3aad ee magaalada Jigjiga.

Dibadbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dad doonayay in la siidaayo Axmed nuur saahid oo muddo ku xidhan Jigjiga walina aan xoriyadiisii helin.

Hay'adaha amniga ee degaanka gaar ahaan Booliska ka hortagga dibadbaxyada aan sharciga ahayn oo soo gaadhay goobta dadkani isugu soo baxeen ayaa kala eryay dadkii isugu soo baxay.

Intaa kaddib goobtii dibadbuxu ka socday ayaa isku badashay rabshad ay waxyeelo kasoo gaadhay dibadbaxayaashii iyo xubno booliska ahaa sidoo kale mulkiilayaasha meherado qaar goobtaa ku ag yaalay ayaa iyaguna ay dhibaato soo gaadhay.

Dibadbaxyada deegaanka ka dhaca maalmahan ayaa u badan kuwo ku dhamaada qaab aysan jeclaysan dadka dibadbaxa samaynaya iyadoo ay ugu wacan tahay dadka oo aan marin qaabkii ay dawladdu tidhi waa loo dibadbixi karaa.

Waxayna in badan dawladdu ku celcelisaa in dibadbaxa lasoo ogaysiiyo Hay'adaha amniga ee deegaanka oo fasax loo qaato si boolisku usugu amniga dibadbaxayaasha.