4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhaxmaray Muqdisho

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu gubay iska horimaad culus oo maanta ku dhaxmaray Isgoyska Baanaboolyo ee degmada Shibis ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Iskahorimaadka uu ka dhashay kaddib marklii ciidamada militariga iyo kuwa Booliiska ee dagaalmay isku maandhaafeen amar diiddo, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay labo askari oo ka kala tirsan dhinacyadii uu dagaalku dhaxmaray.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwii dhawaan ka soo gadooday gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira dagaalka maanta dhaxmaray ciidamada ka kala tirsan Booliiska iyo militariga.

Ma’aha markii ugu horeysay oo dagaal uu dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, hasse ahaatee iska horimaadkii maanta ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadii ugu danbeeyay dhaxmaray ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]