3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhaxmaray Muqdisho

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu gubay iska horimaad culus oo maanta ku dhaxmaray Isgoyska Baanaboolyo ee degmada Shibis ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Iskahorimaadka uu ka dhashay kaddib marklii ciidamada militariga iyo kuwa Booliiska ee dagaalmay isku maandhaafeen amar diiddo, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay labo askari oo ka kala tirsan dhinacyadii uu dagaalku dhaxmaray.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwii dhawaan ka soo gadooday gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira dagaalka maanta dhaxmaray ciidamada ka kala tirsan Booliiska iyo militariga.

Ma’aha markii ugu horeysay oo dagaal uu dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, hasse ahaatee iska horimaadkii maanta ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadii ugu danbeeyay dhaxmaray ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/12/2019 4:10 PM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL)– Dibadbax ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Jigjiga gaar ahaan agagaarka masjid nuur oo ku yaal xaafadda 3aad ee magaalada Jigjiga.

4/12/2019 3:00 PM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL)–Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargaliyay xildhibaannada in uu jiro maalinta berri ah kulan qeyb ka ah howlmaalmeedka caadiga ee Golaha Shacabka kaa looga dooddi doono arrimaha Amniga.

4/12/2019 10:25 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

4/12/2019 10:16 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Waxaa magaalada Diridhabe ka furmay kulan ay isugu yimaadeen maamulada 5ta degaan ee bariga Itoobiya, iyo madax heer fadaraal sida Wasiiradda Nabadgalyada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya.

4/12/2019 10:00 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Ayadoo inta badan gobollada dalka lagu qabtay munaasbado kala duwan oo loogu dabaaldegayo aasaaskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay ku beegantahay sanadguuradii 59-aad ayaa waxaa xuska munaasabadda lagu qabtay taliska qeybta 43-aad ee guutada 11-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubbaland.

4/12/2019 9:39 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Ku dhawaad Lixdameeyo Dukaan oo ay Soomaali leedahay, ayaa lagu boobay rabshadaha Maalintii 5aad galay ee la xakameyn la'yahay oo ka socda qeybo ka mid ah Xaafadda Strand oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.

4/12/2019 9:30 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Israsaaseyn u dhexeeysa ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya oo kala ah Militariga iyo BOoliska ayaa ka socota isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.

4/12/2019 9:22 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis kaalmo farsamo la saxiixatay Ururka Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawin doono qaabka ugu habboon ee dib loogu soo nooleyn karo adeegga boostada.

4/12/2019 7:49 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

4/12/2019 2:11 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tirakoobka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in muddadii ay dib u habeynta ciidamada ku jirtay dowladdiisu ay soo wajaheen caqabado aad u waaweyn.

4/12/2019 12:51 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL)-Booliiska magaalada London ayaa baaraya dilka Nur Bashir Salad oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed kaa oo dilkiisa loo adeegsaday mindi sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

4/12/2019 12:31 AM EST
Jimco, April, 12, 2019 (HOL) - Inkastoo ay rumoowday rajadii dadka reer Sudan ay ka qabeen in mar uun uu xukunka banneeyo madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir oo waqti dheer dalkaasi soo maamulayay, haddana wali waxaa jira diidmo ka imaneysa dadka dibadbaxayaasha ah oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka.