4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Shanta degaan ee bariga Itoobiya oo kulan uga furmay magaalada Diridhabe

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) – Waxaa magaalada Diri-dhabe ka furmay kulan ay isugu yimaadeen maamulada 5ta degaan ee bariga Itoobiya, iyo madax heer fadaraal sida Wasiiradda Nabadgalyada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya.

Haddaba. kulankan ayaa waxaa degaanka Soomaalida uga qayb galay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Wax-yaabaha lagaga hadlayo kulankan ayaa waxaa ugu wayn sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabadgalyada ee degaanadan, iyo sidii nabad galyo waarta looga dhex dhalin lahaa xuduudda degaanadan. waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxwayne Mustafe cagjar uu kulankan kaga hadlo dhibka lagu hayo Soomaalida dhex degta degaanada sida Oromiya, iyo sidoo kale Soomaalida Diridhabe oo markasta bar tilmaameed laga dhigto xilliyada ay rabshaduhu ka dhacaan Diridhabe.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay sii siyaadayso rabshadaha ka dhex dhaca meelaha xuduuda degaanadan isla markaana Soomaalidu ay noqdeen dadka uu dhibka u badan mar walba gaadho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]