4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2019
Kismaayo oo laga xusay Sanadguurada Aasaaska ciidamada Xoogga dalka

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Ayadoo inta badan gobollada dalka lagu qabtay munaasbado kala duwan oo loogu dabaaldegayo aasaaskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay ku beegantahay sanadguuradii 59-aad ayaa waxaa xuska munaasabadda lagu qabtay taliska qeybta 43-aad ee guutada 11-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubbaland.

Xuska munaasbadda waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeybqaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Saraakiishii munaasabadda ka hadlay ayaa ciidamada ku booriyay in ay laba jibaaraan dadaalladooda islamarkaana u diyaargaroobaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleeysa dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa dadaallo ku bixinayay sidii loo dhisi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayadoo qorshuhu yahay in sanadda 2020 ay ciidamadu ay si buuxda amniga guud ee dalka ugala wareegaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.