4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Rabshado dukaamo lagu gubay oo ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Koonfur Africa


Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Ku dhawaad Lix-dameeyo dukaan oo ay Soomaali leedahay, ayaa lagu boobay rabshadaha Maalintii 5aad galay ee la xakameyn la'yahay oo ka socda qeybo ka mid ah xaafadda Strand oo ku taalla magaalada Cape Town ee dalkani Koonfur Afrika.

Sida ay qireen guddiga gurmadka oo Soomaalida ah, Booliska rabshadaha ka hor taga iyo Community-ga Xaafadda Strand, waxaa jira dhaawacyo fudud oo soo gaaray Qaar ka mid ah Muwaadiniinteena ku Hanti beeshay boobka socda, kuwaasi oo maqaro iyo dhagax lagu weerayey xilli ay isku dayayeen inay Hantidooda badbaadsadaan.


Masaajid ku yaalla qeybta midabka ee Strand, ayaa la geeyey Soomaalida.

Nomzamo iyo Molwen oo ay ku yaalleen ilaa iyo 50 dukaan oo Soomaali leedahay, ayaa waxaa ka haray Laba Dukaan oo kaliya oo iyagana hadda ay banaan-baxayaasha hor tuban yihiin, halka intii kale cagta la mariyey, inkastoo ay jiraan qaar laga raray alaabada ka hor inta aan mudaharaadku soo gaarin.

Xaaladda, ayaa wali qasan, Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana la isku mari waayey kulan ay Shalay mas'uuliyiin dowladda ka socda isugu yeereen dadka Deegaanka ee ay Soomaalida kamid tahay, kaasoo lagu kala dareeray is fahan la'aan.

Magaladda Pretoria ee casimadda dalka Koonfur africa ayaa waxaa laga dareema cabsi xoogan inkastoo xalay ilaa maanta ayaa labo dukaan lagu boobay.

Xafadda Rossaly  ayaa dukaan wayn lagu boobay waxaana lagu dilay ilaa 7 ruux  oo ka mid dadkii madowga ahaa ee la boobayay isla goobtaas ayaa lagu xiray labo ganacsada Somaliyeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.