4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Isgoyska Maana Boolyo ee magaalada Muqdisho

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Israsaaseyn u dhexeeysa ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya oo kala ah Militariga iyo Booliska ayaa ka socota isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la xaqiijin sababta rasmiga ah ee danbeeysa iska horimaadka ayaa hadana warar ay heleeyso shabakadda HOL waxa ay sheegayaan in dagaalku ka dhashay kadib ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ka yimid Shabeelaha dhexe gaar ahaan agagaarka Balcad loo diiday in ay gudbaan Maanaboolyo, taasoo keentay in ciidamadii Militariga ay weeraraan Booliskii halkaa ku sugnaa.

Sarkaalka Ciidamada Milateriga hogaaminayo ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay Taliyaha aagga deegaanka Biya Cadde balse dhawaan ayaa loo soo wareejiyay degaanka Haansheekh ee duleedka Balcad.

Waxaa jira khasaare Dhimasho iyo dhaawac balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Faahfaahinta wararkeenna danbe ayaad uga bogan doontaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.