4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Madaxweyne Farmaajo ‘’ Caqabado waaweyn ayaan kala kulannay tirakoobka ciidamada

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tirakoobka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in muddadii ay dib u habeynta ciidamada ku jirtay dowladdiisu ay soo wajaheen caqabado aad u waaweyn.

‘’Tirakoobku waa is badal, isbadalku-na dadka ma jacla, sidaa daraadeed caqabado ayaa naga soo food saartay, laakiin hadda sidii aan u soo jiitameynay, waxaan soo gaarnay marxalad aan ognahay tirada ciidamada aan heysanno’’ ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay munaasabada aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay aad uga fikirayeen intii lagu guda jiray howsha tirakoobka waxa ka iman kara iyo caqabadaha soo ifbixi kara isaga oo yiri’’ Maalin walba iyo bil walba dib ayaan u dhigeynay tirkoobka Annaga oo is leh amaa si kale loo qataa… ciidanku amey gadoodaan.. iyo waliba arrimo kale dhaci karay dartood..xitaa waxaa dhib noqotay in ciidanka loo sameeyo Account  si mishaarkooda loo siiyo’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dowladda madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  toddobaadyadii ugu danbeeyayba u muuqatay mid wajaheysa caqabado waaweyn oo uga imanayay dhinaca ciidamada oo qeybo badan oo dalka ka mid ah ka sameeyay gadood ay uga cabanayaan in muddo ka badan Afar bilood aysan heli wax mishaar ah.

Laakiin madaxda ugu sareysa Qaranka ayaa arintaa uga fal celiyay in ciidamada gadoodka sameynaya yihiin kuwo aan u diiwaan-gashneyn Wasaarradda Gaashaandhigga, balse uusan jirin askari la diiwaan-galiyay oo aan wax mishaar ah qaadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]