4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2019
Dadka reer Sudan oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka

 

Jimco, April, 12, 2019 (HOL) - Inkastoo ay rumoowday rajadii dadka reer Sudan ay ka qabeen in mar uun uu xukunka banneeyo madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir oo waqti dheer dalkaasi soo maamulayay, haddana wali waxaa jira diidmo ka imaneysa dadka dibadbaxayaasha ah oo diidan xukunka militariga la wareegay tallada dalka.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa ku doodaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkani cusub ayaa sare qaaday cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa labaduba ku baaqay in xaaladda la dejiyo, dadkuna banneeyaan waddooyinka.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir oo 75-jirka ah ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]