Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano kaddib
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay
xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday
xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee UPU ee dalka Switzerland,
ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo
Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo
Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen
heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado
xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.
Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u
diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto
taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.
Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka
Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar
kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa
2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan
jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.
Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiimamayey muddo ku
dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha
Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen
madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta
xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka
mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga
wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana
lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.
Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo
shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah
xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna
heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle
ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd
Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala
duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii
Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.
Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu
horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka
loo bixin doono.
Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada
Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee
soo ururayay tan iyo 1983-kii.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]