3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Madaxweyne Al-Bashiir oo is casilay

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa is-casilay kadib ku dhowaad afar bilood oo dibad-baxyo looga soo horjeeday xukunkiisa 30-ka sano, sida ay werinayaan wakaaladaha wararka.

AP iyo Reuters ayaa labaduba qoray inay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ka ogaadeen in Al-Bashiir oo 75 jir ah uu xilka ka degayo, islamarkaana ay socdaan wada-tashiyo la xiriira sidii loo dhisi lahaa gole ku meel gaar ah.

Warbixinada ku saabsan is-casilaadda Al-Bashiir ayaa yimid saacado kadib markii taleefishinka dowladda uu sheegay in ciidamada ay maanta ku dhowaaqi doonaan “war muhiim ah” base aan bixin faah-faahin.

Kumanaan ka mid ah dadka magaalada Khartoum ayaa kusoo qul-qulay waddooyinka ayaga oo u dhaqaaqay xarunta ciidamada milatariga, halkaasi oo dibad-baxayaasha ay hor degenaayeen tan iyo sabtidii.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex-maray ciidamada iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegaan kooxaha u dhaqaaqa bulshada.

Waxaa jira warar sheegaya in gaadiika ciidamada ay hareeyeen madaxtooyada, oo ku dhex-taalal xarunta ciidamada.

Reuters iyo AFP ayaa sidoo kale weriyey in askarta ay weerareen xarunta xisbiga Al-Bashiri ee talada haya.

Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

VOA













Click here
4/11/2019 12:23 PM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, saraakiil xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

4/11/2019 12:05 PM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde.

4/11/2019 11:50 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

4/11/2019 9:57 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.

4/11/2019 6:44 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo gabagabeysay dacwada nin ku eedeysnaa inuu kufsi u geystay gabar lix sanno jir ah.

4/11/2019 5:40 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- War saxaafadeed kasoo wasaaradda warfaafinta, hanuuninta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug ayaa lagu eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya wadashaqeyn la'aan kala dhexeeysa...

4/11/2019 3:41 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogaysanaya rajada ay shacabka dalka Sudan gaar ahaan magaalada magaalada Khartuum ka qabaan in uu xilka ka dego madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir.

4/11/2019 3:09 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Khartuum waxaa albaabada loo laabay oo aan la ogoleyn in ay shaqeeyaan garoomada diyaaradaha, iyadoo uu soconayo howlgal weyn oo ay wadaan militariga oo gudaha u galay Hoyga Madaxweynaha Sudaan Cumar Al-Bashiir.

4/11/2019 2:29 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)–Milatariga dalka Suudaan ayaa tagay waddooyinka halbawlaha ah iyo buundooyinka ku yaalla magaalada Khartuum, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa goobjooge aysan magaciisa shaacin.

4/11/2019 1:32 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Lix ruux oo rayid ah ku dhinteen rasaas lagu furay gaari ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka N0 50 iyo Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellaha hoose

4/11/2019 1:18 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaanba maanta hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay sidaa iclaamiyeen laamaha Amniga dowladda.

4/11/2019 12:37 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) –Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo ka hadlay kaalmada uu Mareykanku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo ayuu sheegay in Mareykanku mar walba ku dadaalayo in aan la musuqmaasuqa gargaarka loogu talagalay dadka dhibaateysay iyo xitaa maamulada dalka ka jira.

4/11/2019 12:22 AM EST
Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)–War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgallo iyo duqeyn ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.