4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Maxkamadda Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridey nin kufsi geystay

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)-  Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo gabagabeysay dacwada nin ku eedeysnaa inuu kufsi u geystay gabar lix sanno jir ah.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah iyo magdhow lacageed oo shan kun oo doollar ah ku ridey  Cabkaafi Xirsi Axmed oo 36 jir ah, lana noola xannuunka AIDS-ka, kaddib markii lagu caddeeyay inuu kufsi kula kacay Farax Jaamac Faarax,sida lagu sheegay qoraal ay baahisay maxkamadda.

Xukunka waxaa ka furan racfaan.

Xukunkan ayaa ku soo aadday,iyadoo kufsiga uu ku baahisay deegaannada Puntland, waxaana bulshada ay shaki galinaysa sida loo fulin karo xukunka dilka ah ee maxkamaddu ridey.

Hoos ka akhri qoraalka maxkamadda oo ku cad xukunka dhacay;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]