4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Rajo laga qabo in uu Kursiga Banneeyo madaxweyne Al-Bashiir

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogaysanaya rajada ay shacabka dalka Sudan gaar ahaan magaalada magaalada Khartuum ka qabaan in uu xilka ka dego madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir.

Milatariga oo laga sugayo in ay war soo saaraan ayaana loo arkaa in ay sare u siiqaadayso rajada laga qabo in uu xilka banneeyo madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo muddo soddon sano ah xilka soo hayay.

Tobannaan kun oo ruux ayaa isugu tagayay bannaanka xarunta ugu wayn ee milatariga tan iyo Sabtidii, iyaga oo dalbanaya in madaxweynuhu uu xilka banneeyo.

Labo habeen oo is xiga ayay weerar kala kulmeen ciidammada sirdoonka iyo xoogag daacad u ah madaxweynaha, balse labada jeerba waxaa arrinta dhex galay oo shacabka difaacay milatariga.

Arrintaas ayaana bidhaamisay in ay habacsanaan ka jirto laamihii ammaanka ee aad u abaabulnaan jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]