4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Khartuum ee dalka Sudan

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – Magaalada Khartuum waxaa albaabada loo laabay oo aan la ogoleyn in ay shaqeeyaan garoomada diyaaradaha, iyadoo uu soconayo howlgal weyn oo ay wadaan militariga oo gudaha u galay Hoyga Madaxweynaha Sudaan Cumar Al-Bashiir.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada militarigu la wareegeen xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka, waxaana ay sheegeen in dhawaan ay shaacin doonaan war wanaagsan.

Rasaas u muuqata dabaal deg ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Khartuum oo ay ridayaan ciidamada militari oo ku dhax jiray shacabka dibadbaxa dhigaya.

Saxafiyad magac ku leh dalka Suudaan oo ku sugan magalada caasimadda ah ee dalka Khartuum ayaa Twitterka ku soo qortay in ay jiraan warar sheegaya in masuuliyiin sare oo dawladda ah la xirxiray, garoonkii diyaaradahana albaabada loo laabay.

Mudaaharaadayaasha ayaa barnaamijka Newsday ee BBC-da u sheegay in dadku ay ku damaashaadayaan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum ee dalka Suudaan.

Lama oga ilaa iyo hadda xaalka madaxweynaha dalka Cumar Al-Bashiir walina si cad looma sheegin madaxweynuhu xukunka ka degay iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]