4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Khartuum oo gashay xaalad militari

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) –Milatariga dalka Suudaan ayaa tagay waddooyinka halbawlaha ah iyo buundooyinka ku yaalla magaalada Khartuum, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa goobjooge aysan magaciisa shaacin.

Shacabka ayaa halkudhag ka dhigtay “dawladdii way dhacday” waan guulaysanay, sida uu qof goobjooge ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kumannaan ruux ayaa ku sii qulqulaya bannaanka wasaaradda difaaca ee caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum, waxayna rabaan in ay ku biiraan dadka mudaaharaadaya ee dalbanaya in uu is casilo madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dalkaas soo maamulayay 30 sano.

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in uu jiro isku day afgambi oo ka dhan ah madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir, kaddib markii warbaahinta dawladdu ay sheegtay in milatarigu uu “baahin doono war muhiim ah”, sida ay ku warranay wakaaladda wararka ee Reuters.

Habeenkii Arbacada dadka mudaaharaadaya ayaa sii waday in ay ku sii nagaadaan bannaanka wasaaradda difaaca ee magaalada caasimadda ah ee Khartuum, waxayna dalbanayaan in madaxweynuhu uu is casilo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]