4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Isku socodka magaalada Muqdisho oo la hakiyay

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaanba maanta hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay sidaa iclaamiyeen laamaha Amniga dowladda.

Guud ahaanba waxaa saakay la diiday in gaadiidku shaqeeyaan habkii kala wareega ee markii horeba uu Shacabku ka cabanaya, waxaana la arkayaa dadweynaha goobahooda shaqo iyo waxbarasho tagaya oo lugeynaya dhamaanba dariiq-yada Muqdisho

Laamaha Amniga ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameynayaan tahay qabashada munaasabada 12ka April maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la soo hormariyay lagana dhigay 11ka bishan oo ku beegan maanta oo Khamiis ah.

Muqdisho ma jirto dhowr maalmood oo xiriir ah oo ay caadi u shaqeynayaan gaadiidka dadweynaha, taasoo ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka ku dhaqan magaalada oo dhowr jeer oo hore cabashadooda xirnaashiyaha jidadka u gudbiyay dowladda dhexe ee federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]