4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Mareykanka oo sheegay in kaalmada uu siiyo Soomaaliya ay si toos ah u gaarto cida ay quseyso

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) –Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo ka hadlay kaalmada uu Mareykanku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo ayuu sheegay in Mareykanku mar walba ku dadaalayo in aan la musuqmaasuqa gargaarka loogu talagalay dadka dhibaateysay iyo xitaa maamulada dalka ka jira.

Wuxuu sheegay in deeqaha dowladda Mareykanka lagu saleeyo hadba xaalada ka jirta dalka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in dowladda dhexe oo kaliya la soo marin deeqaha laakiin si toos ah loo garsiiyo dadka ay quseyso iyo dowlad gobolleedyada qeybta ka ah nidaamka federaalka.

“Deeqaha Mareykanka ee Soomaaliya waa mid loogu tala galay dadka Soomaaliyeed in ay si toos ah u gaarto dhammaan maamul goboleedyadda dowladda Mareykanka deeqaha ay ugu tala galashay si toos ah ayay u siisaa sababta ayaa ah in ay yihiin kuwo u baahan taageeradeena in ay gaarto, Soomaaliya kaliya ah maahan ee Mareykanka taageeraddiisa ayaaba ah in uu siiyo cidda ay sidda toos ah u khuseyso” ayuu ku yiri Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in xaalado Bani’aadannimo oo kala gadisan heystaan qaar ka mid ah dadka Soomaalida oo nugul dhibaatada ay ku hayaan sida uu hadalka u dhigay ururka Al-shabaab, sidaa daraadeed ayuu sheegay in Mareykanka ku dadaalayo mar walba in hubinta dadkaasi heleen deeqaha loogu talagalay.

Safiirka ayaa soo dhaweeyay dadaallada socda ee wax looga qabanayo dhinaca nabad-galyada gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in mar walba Mareykanku ku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya qorshayaasha dib dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]