4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2019
Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Khamiis, April, 11, 2019 (HOL) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgallo iyo duqeyn ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Mareykanku wuxuu sheegay in howlgalkaa ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka laguna dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]