4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Garoowe: Haweenay u geeriyootay Kufsi

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, waxaa ku geeryootay haweenay la sheegay in la kufsaday kaddibna la dilay, sida laga soo xigtay saraakiisha isbitaalka.

Haweenayda oo da'ahaan lagu qiyaasay 30 jir ah ayaa la sheegay labo nin oo u dhacay guri ay degganeyd  inay kufsadeen kaddibna ay dileen.

Warar ay heshay HOL, ayaa sheegay haweenayda geeryootay inay ahayd xaas labo maalin ka horna ay ka dilmeen ilmo,iyadoo wararka ay intaas ku darayaan inan wali la aqoonsan ragga falkan dilka iyo kufsiga ah geystay.

"Dhakhaatiirta ayaa baareysa, gabadha meydkeedu wuxuu yaalla wali isbitaalka". ayuu yiri sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee Garoowe oo HOL la hadlay.

Kufsiga ayaa ku baahisay deegaannada Puntland,iyadoo dhacdadaan ay ku soo aaday bilo yar kaddib markii magaalada Gaalkacyo kufsi iyo dil loogu geystay gabar 12 jir ah,ilaa haddana ma jirto wax xukun ah oo lagu ridey rag la sheegay inay arrinta u xiranyihiin.

Hay'adaha amniga Puntland ma jiro warbixin ka soo baxday oo la xiriirta dilka iyo kufsiga ka dhacay Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]