4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wad yeesheen,sida uu xaqiijiyay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]