4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Madaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rukta Ganacsiga Abu Dubai iyo Ganacsato


Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay mas'uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyaal ka tirsan Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Kulankan ayaa looga hadlay xoogjinta xidhiidhka ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Imaaraadka, waxaana si qotodheer looga wadahadlay arrimo la xidhiidha ganacsiga xoolaha, isku xirka Puntland iyo Imaaraadka ee dhinaca duulimaadyada, kobcinta ganacsiga labada dhinac iyo dhiiri-gelinta maalgashiga .

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa kulamo la qaatay rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi, waxaana wafdiga Puntland u soo bandhigeen ganacsatada dalkaasi fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada dhinac.

Kulamada lagaga arrinsanayey iskaashiga ganacsi iyo midka wadashaqayneed ee labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga iyo xoojintiisa oo ay ugu muhiimsanayd ganacsiga xolaha iyo dhoofintooda, waxayna kulamadaasi kusoo dhammaadeen is afgarad iyo wadashaqayn labada dhinac ah,sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Siciid  Deni ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona inta uu ku sugan yahay Imaaraadka madaxda iyo ganacsatada , kuwaasi oo loogu gogol-xaadhayo kobcinta xidhiidhka labada dhinac, midka maalgashi, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]