Wasaarada caafimaadka Somaliland oo in ka badan boqol dhakhtar oo Ajanabi ah dalka ka saaraysa
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Wasaaradda
caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in muddo toban cisho ah kaga saarayaan
dhakhaatiir Ajanabi ah oo la ogaaday in aanay haysan ogolaanshihii ay ku shaqaysan
lahaayeen.
Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta
caafimaadka Dr:Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa xusay in guddida mihnadleyaasha
caafimaadku markii hore baadheen dhakhaatiirta ajanabiga ah ee haysta
shahaadadii ay ku shaqaysan lahaayeen, ka dibna uu wasiirka caafimadku guddi u
saaray in mar labaad la hubiyo dhakhaatiirta dalka laga saarayo inay shahaadada
haystaan iyo in kale.
“Dhakhaatiir badan oo Ajaanabi ah oo
wadanka ka hawlgala ayaan haysan shahaadada ogolaanshaha inuu xirfadaasi
caafimaad ku shaqayso, sidaas darteed markii ay soo ururiyeen illaa boqol iyo
dhawr iyo sodon qof oo dhakhtar ahaa ayaan haysan shahaadaddaasi ay ku
shaqaysan karaan ”ayuu yidhi Dr:Xirgeeye.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadkaasi
dhakhaatiirta ah ee la soo baadhay loo qabtay in muddo toban csiho ah dalka
kaga baxaan.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhamaan xarumaha
caafimaadka la baadhi doono qalabkooda iyo dhakhaatiirta jooga inay yihiin kuwo
dadka lagu aamini karo iyo in kale si aanay dadka waxyeelo ugu geysan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.