4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Olole lagula dagaalamayo dhuxulaysatada ayaa ka soconaya degmada Xuddun

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Illaa 27 goobood oo dhuxulaysato ku gubayeen dhirta ayaa la baabiiyey kadib kacdoon ka yimi bulshada degmada Xuddun.

Ololahan lagula dagaalamayo dhuxulaysatada ayaa waxaa sida uu HOL u sheegay Isuduwaha Wasaarada Degaanka ay iska kaashanayaan bulshada degmada Xuddun wasaarada iyo ciidanka saldhiga Sideedaad.

"Waxaan hada ku guulaysan inaan baabiino ku dhowaad Sodon hogood, waxaana noo qorshaysan in aan wadno illaa aan ka suurino kuwa isu bahaystay xaalufka dhulka" sidaa waxaa yidhi Jaamac Maxamuud Xay Isu-duwaha Wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool oo ku sugan magaalada Xuddun.

Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Xuddun oo hawshan wax ka wada ayaa sheegay in dhibaatada reer guuraaga haysata ay sabab u tahay xaalafka dhuxulaysatada, waxaanay u mahad celiyeen ciidnka degmada degan oo la'aantood aan hawlgalkan u suuroobeen.

Sanadkii 2011kii ayaa ololahan oo kale uu sameeyey Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan "Karaash" taas oo mudo lagaga nastay dhuxulaysatada.

Ma jirto cid loo xidhay hawshan oo illaa hada la sheegay balse khasaaraha agabka ay adeegsanayaan ayaa loo arkaa in uu ku filan yahay oo aanay ku noqon karin maadaama aysan ahayn shirkad dhaqaale haysata.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool