4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Puntland: Shaqaalaha oo loo fasaxay Roob doon berri ka dhacaysa dhammaan deegaannada

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Puntland ayaa ku dhawaaqday khamiista berri ah inay tahay maalin fasax, iyadoo arrinta looga danleeyahay Roob doon guud oo Alle bari ah oo maalinta berri ah ka dhacaysa dhammaan deegaannada Puntland.

Wasiirka Shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax Muuse, oo maanta suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dowladda ,isagoo sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland inay ka qaybgalaan Roob doonta berri ka dhacaysa dhammaan deegaannada.

"Xaalad biyo yaraan iyo abaar ayaa taagan, waxaan shacabka ka codsanaynaa inay ka qaybgalaan Roob doonta berri ka dhacaysa dhammaan deegaannada". ayuu yiri wasiir Jaamac Faarax.

Deegaannada miyiga ah ee Puntland ayaa laga soo sheegaya xaalad abaareed iyo biyo yaraan saameysay dadka iyo duunyada,iyadoo maamulka uu sheegay inuu socdo dadaallo lagu sameynayo biyo dhaamis.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]