4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Qoyskii abwaan Tima cadde oo ka ashkatoonaya mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Somaliland
 

Arbaco, Apriil, 10,   2019  (HOL)- Inanta kaliya ee uu dhallay Abwaankii weynaa ee Tima-cadde  Maryan Cabdilaahi Suldaan Tima cade ayaa sheegtay inay ka dacwoonaysa shirkadda Telesom ka dib markii suugaantii aabaheed ogolaansho la’aan iskaga shaqaysatay oo lacag ka soo saartay, halka qoyskiisii aan waxba laga waydiin oo lacagta laga siin.

" Siddeed sanno ayey isticmaalayeen codka abwaan Tima-cadde oo aanay waxba naga waydiin, markii aanu waydiinay lacagtaasi halka ay geeyaan waxay nagu yidhaahdeen dadka masaakiinta ayaanu ugu deeqnaa oo xajka ku gaynaa, anaguba masaakiin baanu nahoo xajka waanu u baahanahay waa inay xaqayaga na siisaa maadaama oo lacag ka hesho oo codkiisa lagu duubay telefoonada”ayey tidhi inanta uu dhallay abwaan Tima-cadde.

Shirkada TELESOM ayaa isticmaasha codadka abwaanadda iyo suugaantiisa, iyadoo u bixisay adeegaasi ila maqal oo lagu shubay suugaanta abwaanada iyo culimadda, haseyeeshee dadkii lahaa aanay ka qaadan ogolaanshaha codkoodda.

Mar kasta oo aad qof garaacdo waxa telefoonka ku duuban suugaan aad dhagaysanayso inta uu qofku ka qabanayo, intaas aad dhagaysano waxay shirkadu ka goosanaysa lacag yar, taas oo marka ay ururto noqonaysa lacag badan, waana taas ta qoyskani ku doodayo inay lacagtaasi wax ku yeeshaaan madaama oo hantidii aabahood tahay.

Waa markii ugu horeysay ee qoys soomaali ahi ku doodaan inay xaq ku leeyihiin lacagta ka soo baxda hantida aabahood oo shirkaduhu siday doonaan u isticmaalaan, taasina waxay tilmaamaysa inay bulshaddu soo bislaanayso oo ay kala garanayso  xaquuqda ay leeyihiin iyo ka lagu leeyahay.

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.