Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xassan ayaa ka codsaday
Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran
sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray
isgaarsiinta boostada.
Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka
ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta
maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla
markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faa’iideysan
karaan.
Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u
dajisay soo nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono
dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka,
tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn
lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU
taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay,
kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta
oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno
“Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar
Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis aysan waxyaabo badan noo
suurtogaleen.”
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka
xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa
boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.
Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen,
ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u
fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga
oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii
ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga go’an tahay in ay
soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.
Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha
Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la
kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee
arrimaha boostada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]