3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska oo ka badbaaday Qarax miino

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)-Qaraxaan oo ka  dhacay agagarka Isgoyska Shaqaalaha ee Wadada Maka-Almukarama ee maagalada Muqdisho, waxaana uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu qarxay xilli uu yaallay wadada dhinaceeda, hasse ahaatee aysan wax khasaaro ah uusan geysan,waxaana la sheegay in uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa la sheegay in gaariga inta uusan qarxin uu ka degay,waxaana goobta gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo mudo saacado ah hakad geliyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii ambe ay dib u fureen.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay qaraxyada loo adeegsadao miinada nooca gawaarida lagu dhejiyo,kuwaas oo lala bartilmaameedsado Saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
4/10/2019 3:03 PM EST
Arbaco. April, 10, 2019 (HOL)-Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay bartamaha magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha.

4/10/2019 1:43 PM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, waxaa ku geeryootay haweenay la sheegay in la kufsaday kaddibna la dilay, sida laga soo xigtay saraakiisha isbitaalka.

4/10/2019 12:29 PM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

4/10/2019 12:22 PM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay mas'uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi.

4/10/2019 11:09 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)– Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in muddo toban cisho ah kaga saarayaan dhakhaatiir Ajanabi ah oo la ogaaday in aanay haysan ogolaanshihii ay ku shaqaysan lahaayeen.

4/10/2019 10:50 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo bandhigay abuurka bariis cusub oo lagu qabtay Jowhar ayaa ku baaqay in Itoobiya lagala hadlo biyo la’aanta wabiga Shabeelle.

4/10/2019 9:51 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Illaa 27 goobood oo dhuxulaysato ku gubayeen dhirta ayaa la baabiiyey kadib kacdoon ka yimi bulshada degmada Xuddun.

4/10/2019 8:47 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Puntland ayaa ku dhawaaqday khamiista berri ah inay tahay maalin fasax, iyadoo arrinta looga danleeyahay Roob doon guud oo Alle bari ah oo maalinta berri ah ka dhacaysa dhammaan deegaannada Puntland.

4/10/2019 8:29 AM EST
Arbaco, Apriil, 10, 2019 (HOL)- Inanta kaliya ee uu dhallay Abwaankii weynaa ee Tima-cadde Maryan Cabdilaahi Suldaan Tima cade ayaa sheegtay inay ka dacwoonaysa shirkadda Telesom ka dib markii suugaantii aabaheed ogolaansho la’aan iskaga shaqaysatay oo lacag ka soo saartay, halka qoyskiisii aan waxba laga waydiin oo lacagta laga siin.

4/10/2019 7:43 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)- Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xassan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

4/10/2019 6:42 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) –Shirkan oo furmay maalintii Axadda ee 8-da Abriil ayaa lasoo gabagabeeyay ayadoo intii uu socday looga doodayay cutubyada 6-aad, 7-aad iyo...

4/10/2019 1:37 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarrada Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii guud ee wasaarradda Sokor Jaamac Geyre.

4/10/2019 1:06 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL)–Waxaa sii kordhaya tirada kiisaska la xiriira cudurka jadeecadda ee laga helayao gudaha dalkaan Mareykanka, iyadoo saraakiisha gobollada qaar ay arrintani ku qasbeyso in ay qaadaan tallaabooyin aanan caadi aheyn.

4/10/2019 12:38 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in maanta Arbaco ah maagalada Garoowe lagu soo geba-gabeeyo shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo guddoonada Baarlamaanada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, iyada oo Galmudug ay ka maqan tahay.

4/10/2019 12:24 AM EST
Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Waxaa sii xoogeysanayay saacadihii ugu danbeeyay wararka ku saabsan shaqo joojin Booliiska Soomaaliya ay ku sameeyeen hay’adda gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance oo ka mid ah hay’addaha gargaarka deg dega ah u fidiya dadka gaar ahaan marka ay dhacaan qaraxyada.