Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Waxaa sii kordhaya tirada kiisaska la
xiriira cudurka jadeecadda ee laga helayao gudaha dalkaan Mareykanka, iyadoo
saraakiisha gobollada qaar ay arrintani ku qasbeyso in ay qaadaan tallaabooyin
aanan caadi aheyn.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska ilaa iyo hadda la
diiwaangeliyay ee ah carruurta uu ku dhacay cudurka jadeecada ee dalkaan
Mareykanka ay mareysa 465, halka todobaadki hore ay ka aheyd 387 kiis.
Duqa magaalada New York, Bill de Blasio ayaa Talaadadi shalay xaalad deg deg
ah ku soo rogay afar xaafadood oo ay ku badanyihiin bulshooyinka yahuudda ee
diinta ku adag, xaafadahaas oo ku yaalla degmada Brooklyn. Dadkaani qaar ayaa
diiday in ay tallaalaan carruurtooda.
Wuxuu amar ku bixiyay, in dadka ku nool qeybo ka mid ah degmada Brooklyn looga
baahnaan doono, in ay qaataan tallaalka loo yaqaano MMR si looga hortago
faafista cudurka jadeecadda.
Magaalada New York oo kaliya waxaa laga helay 285 kiis oo cudurka jadeecada
ah, waana tirade ugu badneyd tan iyo 1991.
VOA