4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Shirka Garoowe ee golayayasha hay'adda sharci dajinta dalka oo maanta la soo gabagabey-nayo

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in maanta Arbaco ah maagalada Garoowe lagu soo geba-gabeeyo shirka Goleyaasha Sharci-dejinta dalka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo guddoonada Baarlamaanada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, iyada oo Galmudug ay ka maqan tahay.

Shirka oo noqonaya kii shanaad ayaa Isniintii ka furmay magaalada Garoowe,waxaana shalay oo Talaado aheyd talooyinkooda looga dhageystay Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” uu sheegay in Muhiim ay tahay loona baahanyahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan gudiyada isku shaqada ah ee Golayaasha xeer dejinta.

Guddoomiyayaashii ka qeybgalaya shirka ayaa balanqaaday in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo iskaashiga Dowladda dhexe iyo Dowladda Goboleedyada si shacabka oo dhan ay dowladnimada u gaarto.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna sheegay in ka gole shacab ahaan diyaar u yihiin in shuruuc walba oo dalka loo sameynaayo laga tala geliyo Dowlad Goboleedyada.

Maanta ayaa ugu danbeyntii la filayaa in shirka laga soo saaro Warmurtiyeed ay ku heshiiyeen xubnihii ka qeyb galay shirkaas ee ka socday dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]