4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2019
Maxaa ka jira in Booliiska Soomaaliya shaqo joojin ku sameeyay hay’adda Aamin Ambulance

 

Arbaco, April, 10, 2019 (HOL) – Waxaa sii xoogeysanayay saacadihii ugu danbeeyay wararka ku saabsan shaqo joojin Booliiska Soomaaliya ay ku sameeyeen hay’adda gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance oo ka mid ah hay’addaha gargaarka deg dega ah u fidiya dadka  gaar ahaan marka ay dhacaan qaraxyada.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed oo labaduba ka hadlay warka ku saabsan shaqo ka joojinta hay’adda Aamin Ambulance labaduba waxaa ay sheegeen in uusan jirin warka ku saabsan in uu taliska Booliiska Soomaaliyeed shaqo joojin ku sameeyay hay’addan oo siweyn caan uga dhax ah bulshada kana soo shaqeyneysa howlaha samafalka muddo ka badan 12 sano.

Laakiin madaxda Aamin Ambulance oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Booliisku ku soo wargaliyeen inay joojiyaan shaqada, taasoo uu ku tilmaamay arrin aan wanaagsaneyn.

‘’Waxey noo sheegeen in aan shaqada joojinno oo aan tagin goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan si dadka loogu gargaaro, waana arin nasiib darro ah ‘ ayuu yiri Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji madaxda Aamin Ambulance.

Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xusseen Axmed ayaa dhankeeda sheegtay in uusan jirin amar ka soo baxay Booliiska oo shaqada looga joojiyay hay’adda Aamin, taa badalkeedna hay’addaha Amnigu diyaar u yihiin wada shaqeyn dhaw oo lala yeesho hay’adda si looga gacan siiyo howlaheeda gurmadka degdega ah.

Sidoo kale warka arintan ku saabsan waxaa beeniyay agaasimaha war-faafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed oo sheegay in uu been abuur yahay warka ku saabsan taliska Booliisku shaqo joojin ku sameeyay Aamin Ambulance.

Laakiin dad ayaa su’aalo badan iska weydiinaya cid bixisay amarka shaqo joojinta ah mar haddii taliska Booliiska iyo madaxtooyada Soomaaliya labaduba sheegeen in uusan jirin warka arintan ku saabsan.

“Amarka nala siiyay wuxuu ahaa inaan shaqada joojin oo hadal ahaan Booliska nagu dhaheen, in meelaha qaraxyada ka dhacaan aanan tagi karin, markii aan ka codsanay warqad in nala siiyo waxay dhaheen warqad nalooma keenin”ayuu yiri Madaxa Gaadiidka Aamin Ambulance.

Hay’adda gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa ah mid si gaar ah loo leeyahay,waxaana ay ka Shaqeysaa u gurmashada dadka ku waxyeelooba qaraxyada iyo musiibooyinka kale ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]