4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Dowladda Belgium oo shaacisay in ay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Dowladda Belgium ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Shaqaalaha iyo midka Diblomaasiga ee Soomaaliya ee loo yaqaano Service and Diplomatic.

Warkan ayaa waxaa soo saaray Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay magaalada Nairobi, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsantahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka.

“Safaaradda waxaa ay ku faraxsannahay in aan shaacino laga bilaabo maanta in ay dowladda Belgium aqoonsnatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiyiinta ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo dabaacay Twitter-ka Safaarada.

Safiirka Soomaaliya ee Belgium Ali Sacid Fiqi oo la hadlay Hiiraan Online  ayaa sheegay in basabooradan la aqoosaday yihin kuwii la daabacay wixii ka danbeeyay 2014kii, waxaana uu intaa ku daray in bisha January  sanadka 2020ka qorsheyneyso  dowladda Belgium -ka in ay aqoonsato Basaboorka caadiga ah ee Soomaaliga.

 

Basaboorka Soomaaliga waxaa horay u aqoosaday dowladdo dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Arrintan ayaa sida la sheegay waxaa si wadajir ah ay uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]