Kheyre oo sheegay sababta madaxweyne Farmaajo uu uga qeybgali waayay furitaanka Kalfadhigga 5aad ee Aqalka Sare
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii
5aad ee golaha Aqalka, ayaa sheegay in uu wakiil ka yahay madaxweynaha oo aan
ka soo qeybgalin munaasabada.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo jeediyay khubadii
madaxweynaha ayaa sheegay in sababta uu madaxweynaha u iman waaye munaasabada
la xiriirto shaqo Amni oo deg deg ah, balse faah faahin dheeraad ah kama uusan
bixin arintaa.
Ka hor inta uusan furmin kalfdhigga ayaa la
sheegay in uu jiray khilaaf ka dhashay hab maamuuska furitaanka oo
xildhibaannada Aqalka sare qaarkood ku adkeysteen in ra’iisal wasaaruhu laheyn
furitaanka, loona baahan yahay in uu madaxweynuhu yimaado, inkastoo ra’iisal
wasaaruhu ku adkeystay in uu madaxweynaha wakiil uga yahay khudbada furitaanka.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa markii danbe furay
kalfadhigga isaga oo halkaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan furay kalfdhiggii Shanaad ee Aqalka
hoose [Golaha Shacabka] isaga oo sidan oo kale dhowr jeer oo hore ka baaqday
furitaanka Kalfadhiyada golaha Aqalka sare.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]
.