4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo mar kale baaqday

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL) – Warar ay goor dhaw heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in mar kale uu maanta baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulanka Golaha Shacabka ee maanta oo xalay la ogeysiiyay xildhibaannada ayuu ajandihiisu ahaa hadal jeedinta guddoomiyaha Golaha shacabka iyo warbixin laga dhageysan doono guddiga dib u eegista dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd sidan oo kale uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ay xildhibaannada qaarkood wacad ku mareen in aysan aqbali doonin mar kale in uu baaqdo shirka Golaha Shacabka, iyaga oo eedeyn u jeediyay xildhibaannada Wasiirradda ah ee ka tirsan xukuumadda oo ay ku tilmaameen in si ula kac ah uga baaqanayaan shirka iyaga oo baqaya in la keeno doodda la xiriirta Amniga guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kalfdhigga 5 aad ee Golaha Shacabka ayaa u muuqda mid ku bilaabanaya kala qeybsanaan weyn oo xildhibaannada dhaxdooda ah, kuwaa oo ku kala aragti duwan sida loo wajahayo ajandaha kulamada iyo fadhigga Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]