4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
17 ruux oo ku dhimatay bur bur diyaaradeed dalka Koonfurta Sudan

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii  ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

Saddex ruux ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay diyaaradaha, halka labo ruux kalana la la-yahay, dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ka mid ah dhakhatar u dhashay dalka Talyaaniga oo uu soo gaaray dhaawac culus.

Saddex ka mid ah guud ahaan rakaabka diyaaradaha oo ahaa 22 ayaa la sheegay in ay carruur ahaayeen, sida ay goob joogayaal sheegeen.

David Subek, oo ah madaxa laanta socdaalka Koonfurta Sudan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay bur burka diyaaradan.

Horay dalka Koonfurta Sudan waxaa uga ka dhacay marar kala duwan bur bur diyaaradeed gaar ahaan sanadkii ugu danbeeyay 2017.

2015kii ayeey aheyd markii diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dalka Ruushka ay bur burtay xili ay ka duuleysay garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]