4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Muxuu eersaday taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla?

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadihii dambe ee Sabtidii ka ruqseeyay hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed , wareegtada uu soo saarey madaxweynaha waxaa kalo lugu caddeeyay in laga dhigey dhammaan darajooyinkii ciidan,kaddib soojeedin ka timid agaasimaha guud ee NISA.

Cabdalla Cabdalla , ka hor inta aan laga saarin NISA - waxaa bishii Agoosto ee sannadkan laga qaaday xilkii uu hayay ee agaasime ku-xigeenka hay'adda, oo madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay Fahad Yaasiin.

Sababta ay dowladda u fogeysay sarkaalka mudda dheer ka tirsanaa NISA ayaa su'aallo badan dhaliyay, balse warqad ay heshay Hiiraan Online oo Cabdalla uu u direy 02dii bishan September xeer ilaalinta ciidammada qalabka sida oo la ogeysiiyay maxkamadda ciidammada qalabka sida, wuxuu dacwad ka gudbiyay , Fahad Axmed Daahir (Fahad Yaasiin) oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu saamaynta badan Soomaaliya iyo saaxibadda ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sarkaalka ku soo bandhigey dacwada uu gudbiyay eedeymo culus ,sida in horey muddada uu Fahad Yaasin , agaasime ku-xigeenka NISA uu hayay xilka agaasimaha madaxtooyada uu diiddey baaritaan lugu sameeyo xubin sare oo u sheegay inuu ka tirsanaa al-Shabaab gaar ahaana kooxda u fulisa dilalka qorsheysan ,kaas oo u ka shaqaaleysiiyay madaxtooyadda, waxaa inta dheer oo warqada uu ku caddeeyay wadashaqeyn ka dhaxeeysay al-Shabaab laga billaabo sannadkii 2015 illaa 2017 saraakiisha kala ah,Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fahad Yaasiin , isagoo warqadda ku muujiyay inuu dhammaan eedeymaha caddeeymo u helayo.

Cabdalla , dacwada uu gudbiyay waxaa ka horeysay eedeymo uu usoo jeediyay taliska NISA, markii shaqa joojin lugu sameeyay intii uu xilka hayay,waqtiga wuxuu sheegay in la jabsaday xafiiskiisa oo lagala baxay maclumaad badan.

  

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]