3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Eritrea oo dib uga mid noqoneysa Ururka gobolleedka IGAD

 

Axad, September, 09, 2018 (HOL) - Eritrea ayaa dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka dambe.

Eritrea ayaa laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007dii balse waxaa ay dib ugu biirtey 2011. laakiin waxaa markale laga  saaray xubinimadeeda sanadkii 2017kii.

Dhinaca kale saxiixa ugu dambeeya ee heshiiska nabada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa toddobaadka soo socda magaalada Addis Ababa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa waxaa uu ka soo xigatay Ismail Wais oo ah ergeyga gaarka ah ee Koofurta Sudan in uu sheegay xaflada saxiixa dib u heshiisiinta in uu dhawaan ka dhici doono magaalada Addis Ababa.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaad muddo ka badan 20 sano u dhaxeysay labada dowladdood oo ay ku dhinteen Kumannaan ruux oo ka kala tirsan labada dowladdood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/9/2018 1:03 PM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) – Gudiga nabadaynta isu xilqaamay daminta colaadii ka dhex qaraxday labada beelood ee Koonfurta G Sool wada daga ayaa maanta ka warbixiyey wixii u qabsoomey labadii maalmood ee ay ku sugnaayeen magaalooyinka Dhumay iyo kalabaydh.

9/9/2018 11:42 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL) –Kaddib qoraal wada jir ah oo ay soo saareen xibiyada mucaaradka dalka oo ay wehliso Kutlada baarlamaamniga ah ee Horusocod waxaa lagu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka ay xiriirkii wada shaqeynta ugu jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

9/9/2018 10:25 AM EST
Axad, September,09, 2018 (HOL)–Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah ayaa ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

9/9/2018 10:03 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)–Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

9/9/2018 8:19 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol.

9/9/2018 3:22 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadihii dambe ee Sabtidii ka ruqseeyay hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed,wareegtada uu soo saarey madaxweynaha waxaa kalo lugu caddeeyay in laga dhigey dhammaan darajooyinkii ciidan,kaddib soojeedin ka timid agaasimaha guud ee NISA.

9/9/2018 1:50 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

9/9/2018 1:32 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Number Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Dar-jiinooyinka la soo celiyo.

9/9/2018 1:01 AM EST
Axad, September, 09, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) oo ka hadlay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan maslaxad ugu jirin bulshadda Soomaaliyeed.