4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay in uu banneeyo dhulkii Dar-jiinooyinkii Number Afar


Axad, September, 09, 2018 (HOL)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Number Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Dar-jiinooyinka la soo celiyo.

Dhismaha xalay la burburiyay ayaa ahaa dhisme horay ay uga guureen dadkii dhistay Sababo dhanka dhaqaallaha ah, waxaana xusid mudan in Gudoomiye Yariisow uusan wali fulin Amarkii ahaa in la burburiyo dhismayeyaasha laga dhistay goobaha danta guud.

Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda.

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.”

Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]