Madaxweyne ku-xigeenka Puntland : Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo
Axad, September, 09, 2018
(HOL)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar
(Camey) oo ka hadlay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee
lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan
maslaxad ugu jirin bulshadda Soomaaliyeed.
Camey,
wuxuu sheegay in looga baahan-yahay hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed in si
wadajirka ah looga tashado masiirka umadda Soomaaliyeed, isagoo inta ku
daray in looga baahan-yahay khilaafyada jira wada-hadal in lugu
dhammeeyo.
" Shirka waxaan qabaa inuu-yahay
shir rajo badan laga qabay, laakin aad haatan moodin in umudda
Soomaaliyeed ka naxeen... koley shirka waxaan leeyahay maslaxad uguma
jirin bulshada Soomaaliyeed."ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland
oo dhinaca kale soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee
u isagu yeerey madaxda dowlad-gobolleedyada.
"
Ka soo horjeesi looma qaadan karo hadalkeygan oo kama soo horjeesan
karo madaxweynaheyga .. annigu taan arko waxaa weeye waxyaabaha
masiiriga ah oo dhan in laga wada-tashado oo sida ugu wanagsan la isku
raaco oo shirka lala-tago ." ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland
oo wareysi uu siiyay warbaahinta SBC lugu waydiiyay sababta uu shirka
uga soo horjeedo, xilli uu shir guddoonka lahaa madaxweynaha Puntland.
Camey
ayaa natiijada shirkan hoos u dhigey, xilli madaxweyne ku-xigeenka
Galmudug hadal uu warbaahinta siiyay goor sii horeysay uu uga soo
horjeestay dhammaan go'aamada shirka ka soo baxay.
Dhinca kale madaxweyne ku-xigeenka dowlad
gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa sheegay in ka
maamul ahaan sida uu hadalka u dhigay soo dhaweynayaan shirka uu ku baaqay
madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
‘’Waan soo dhaweynayaa baaqa
madaxweynaha ee ah shir leysugu yimaado, waayo waxaa u arkaa arin bilow
wanaagsan noqon karta, horey-na waan u sheegay waa in la wada hadlaa, ajnabi
kalama nihin, isku luuqad ayeey-nu ku hadleynaa ayuu yiri’ madaxweyne
ku-xigeenka Puntland.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online