Guddiga Midowga Africa soo dhaweeyay wadahallada u bilaawday Jabuuti iyo Eritrea
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Guddiga midowga
Africa ee [AUC]
ayaa soo dhaweeyay wadahadallada hor dhaca ah ee dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo ay
gar-wadeenka ka yihiin dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxada guddiga AUC Moussa Faki Mahamat ayaa
sheegay in bayaanka wada jirka ah oo ay kala saxiixdeen hoggaamiyayaasha
dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea iyo dib u soo celinta xirirkii Jabuuti
iyo Eritrea la oran karo waa tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca
nabada iyo xisiloonida gobolka.
"Waxaan
amaanaya hoggaamiyeyaasha
Jabuuti, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya dhiiri galintooda ku aaadan nabada iyo
wada jirka dadka ku dhaqan gobolka,"
ayuu yiri Faki.
Itoobiya iyo Erirea ayaa horay heshiis uga gaaray
colaad soo soctay muddo ka badan 20 sano oo ay ku dhinteen dad kor dhaafaya
80,000 oo kala tirsanaa labada dal, kaddib markii uu go’aankan nabada uu qaatay
ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Laga soo bilaabo sanadkii 2009 Eritrea waxaa
saarnaa cunaqabteyn dhinaca hubka ah ay soo rogtay Qaramada Midoobey iyada oo
lagu eedeeyay taageero siiso Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka
Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]