Sabti, September, 08, 2018
(HOL)–Wasaarradda Waxbarashada dalka Jabuuti ayaa war ay soo saartay markii
ugu horeysay ku amartay dhamaanba ardeyda wax ka barata Iskuulada kala duwan ee
dalkaas Jabuuti in ay xirtaan Dareeys gaar ah marka y tagayaan dugsiyada.
Laga soo bilaabo sanadkii
1977kii uu ay dowladda Jabuuti xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska
ilaa waqtigan ardeyda reer Jabuuti waxaa ay Iskuulada ku tagi jireen dharkii ay
doonaan, iyadoo ardeygu uu subax walba soo labisan jiray hadba maalintaa
Dareyskii uu doono.
Laakiin hadda waxaa muuqata in sheekadaasi soo
xiran-tay oo sannadka dugsiyadeedka
cusub ayuu dhaqan galaya nidaamka ay ardeyda ku labisanayaan dareeys-ka
Iskuulada.
Balse dhinaca kale marka la eego waalidiinta
ardeyda ayaa arintan u arka culeys dhaqaale oo ku soo kordhay, madaama sida la
sheegay uu sare ku kacay qiimaha la kala siisto dharka Dugsiyada lagu tago.
Hasse ahaatee madaxweynaha dalka Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa amray in hoos loo dhigo qiimaha dharkan si ay
waalidiintu ugu fududaato in ay u iibin karaan carruurtooda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]