4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo lagu dilay Minneapolis fiidnimadii xalay

Sabti, September, 08, 2018 (HOL) Booliiska Magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in abaarahii 7:20 fiidnimo Taleefan  ku soo dhacay  xarunta arimaha dagdaga ah ama 911 ka uu sheegay in xabado lays dhaafsanayo xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Cedar Riverside  Wadada 18thStreet-ka ,Markii ay goobta tageena Booliisku mudo yar kadib ay la kulmeen wiil Soomaali Maraykan ah oo ku dhex jira gaari una dhintay dhaawaca xabadaha ku dhacay jirkiisa.

Booliiska waxay sheegeen in aan ilaa hada aan la ogeen cida ka danbaysay dilka wiilkaan dhalinyarada ah iyo sababta loo dilay, wiilkaan oo dadka baraha bulshada ugu tacsiyeeynayay ay  magaciisa ku sheegay Liibaan Cabdulaahi laguna naanaysi jiray Fetti.

Dilkaan ayaa ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ka danbaysa ganacsiyo ay lee yihiin dad Soomaali ah iyo qoomiyado kale duwan oo ku yaal xaafaddaa ,iyadoo xiligaas ay tahay xiliyadda ugu mashquulka badan wadooyinkaas Cedar iyo Riverside halka ay iska galaantaas oo ay aad u isticmaalaan ardayda dhigata Jaamacada gobolka Minnesota.

Booliiska Magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in cidii arkaysay ama haysa wax warbaxina ah oo ku aadan dhacdadaan ay la soo xiriiraan Booliiska magaaladda taleefanka 612-692-TIPS (8477) ama ay fariin qoraal ah ku soo diri karaan 847411 (TIP411).

Dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dhaca magaalooyinka Minneapolis/St Paul, Columbus Ohio, Toronto Canada ayaa ah mid soo noqnoqda, inkasta oo ay hoos u dhaceen gobolka Minnesota tan iyo intii xaafadaha Soomaalida  ay ka hawlgaleen Booliiska Asalahaan ka soo jeeeda Soomaalida ee ka tirsan qaybaha kala duwan ee nabadgalayada magaalooyinkan Mataanaha ah.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online