3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Duqa Minneapolis Jacob Frey oo taageeray musharax Eng. Jebiye ballan qaadna u sameeyeey Magaalada Boosaaso


Sabti, September, 08, 2018 (HOL)– Duqa magaalada Minneapolis Mr. Jacob Frey ayaa xafiiskiisa ku casumay musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland Eng. Maxamuud Khalif Xassan oo loo yaqaano Eng. Jabiye.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay casumaadda uu u fidiyey Eng. Jabiye, waxaa uuna sheegay in injineerku uu magaalada Minneapolis muddadii uu degganaa uu wax badan ku soo kordhiyay’’ Ganacsiyadii aad ka soo bilaawday heer hoose ayaa wada bullaalay maanta”, ayuu yiri mayor Jacob Frey. 

Mr. Jacob ayaa ballan qaad kale oo culus u sameeyay musharraxa xilka madaxweynaha Puntland isaga oo sheegay in Puntland haddii uu ku guuleysto Eng. Maxamuud Khalif in uu soo booqan doono. “Waxaan booqasho ku imaanayaa Puntland gaar ahaan magaalada aan mataanaha nahay ee Boosaaso”, ayuu yiri. “Maahan mid aan ku kaftamayo”. Mayor Jacob ayaana doonayo in uu ka shaqeeyo Sidii loo adkeeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada magaalo iyo guud ahaan Puntland. Si kastaba, masuul kale ayaa Duqa magaalada madasha iyo soo dhaweyntaba ku weheliyay.

Guddoomiyaha degmada lixaad ee Minneapolis mudane Cabdi Warsame ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii Eng. Mohamud Khaliif ku qaabishay xafiiska duqa magaalada Minneapolis Jacob. Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka mid ahaa Abdulqudduus Doonyaale— oo la taliye u ah duqa magaalada.

Eng. Jebiye ayaa sheegay in shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu ka qabtey gobolka Minasota uu doonaayo kuwa ka wanaagsan in uu ka qabto dalkiisi Hooyo hadii loo doorto Madaxweynaha Puntland

Mohamud Dulyadeyn

Minnesota, U.S.A

[email protected]

 

.













Click here
9/8/2018 6:17 PM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay'adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

9/8/2018 3:03 PM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

9/8/2018 12:51 PM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL) -Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobolleedka Galmudug,Maxamed Cabdi Xaashi ( Carabey) ayaa ka horyimid warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga hoggaamiyayasha dowlad gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

9/8/2018 11:45 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa dib u habeyn ku sameeyey Garsoorayaasha Maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Baanaadir, isagoo dala-csiin iyo isku bedel ku sameeyey qaar kamid ah Garsoorayaasha.

9/8/2018 11:11 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka ku wada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

9/8/2018 7:50 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jubbaland oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirkii magaalada Kismaayo ugu soo xirmay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xisaabcelin ay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ka dalbatay madaxda dowlad goboleecyada dalka.

9/8/2018 6:06 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa war murtiyeed kasoo saaray shirkoodii maalmihii u danbeeyay uga socday magaalada Kismaayo, ayagoo war murtiyeedkooda ku soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay uga cabanayaan dowladda dhexe.

9/8/2018 5:27 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Guddiga midowga Africa ee [AUC] ayaa soo dhaweeyay wadahadallada hor dhaca ah ee dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo ay gar-wadeenka ka yihiin dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

9/8/2018 4:34 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.

9/8/2018 4:04 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)– Wasaarradda Waxbarashada dalka Jabuuti ayaa war ay soo saartay markii ugu horeysay ku amartay dhamaanba ardeyda wax ka barata Iskuulada kala duwan ee dalkaas Jabuuti in ay xirtaan Dareeys gaar ah marka y tagayaan dugsiyada.

9/8/2018 2:21 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL) Booliiska Magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in abaarahii 7:20 fiidnimo Taleefan ku soo dhacay xarunta arimaha dagdaga ah ama 911 ka uu sheegay in xabado lays dhaafsanayo xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Cedar Riverside Wadada 18thStreet-ka ,Markii ay goobta tageena Booliisku mudo yar kadib ay la kulmeen wiil Soomaali Maraykan ah oo ku dhex jira gaari una dhintay dhaawaca xabadaha ku dhacay jirkiisa.

9/8/2018 1:30 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)–Iyadoo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socta saddexda dalka, Soomaaliya, Itoobiya Eritrea guud ahaan-na marka la eego ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu nabadeeyo leysugu-na soo dhaweeyo dalalka Geeska Africa ayaa waxaa arintaa siweyn u soo dhaweeyay Shacabka Jabuuti iyo Ururrada mucaaradka intaba.

9/8/2018 1:15 AM EST
Sabti, September, 08, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen goobjoogayaal magacooda u qariyay sababo amni.