Sabti, September, 08, 2018 (HOL)-Iyadoo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin wafuud ka kala socta saddexda dalka, Soomaaliya, Itoobiya Eritrea guud ahaan-na marka la eego ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu nabadeeyo leysugu-na soo dhaweeyo dalalka Geeska Africa ayaa waxaa arintaa siweyn u soo dhaweeyay Shacabka Jabuuti iyo Ururrada mucaaradka intaba.
Shacabka oo la hadlay warbaahinta
ayaa sheegay in wax wanaagsan u arkaan nabada raadinta labada dowladdood
Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhax bilaabeen dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo
muddo dheer-ba uu dhax yeelay muran la xiriira deegaan xudduudeedka ay
wadaagaan labada wadan.
Shirka iyo kulamada socda ayeey
ku tilmaameen tallaabo hor leh oo loo qaaday dhinaca nabad-galyada iyo isku soo
dhawaanshaha guud ahaanba dowladdaha Geeska Africa, iyada oo meesha laga
saarayo wixii khilaaf ah ee jira.
Wafdiga ku sugan dalka Jabuuti ee
ah wasiirro arrimo dibeddeedka dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa
mas’uuliyiintii ay is arkeen waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle oo si diiran u soo dhaaweeyay, islamarkaana sheegay in
niyad sami uu hayo dadaallada socda.
Dhawaan magaalada Asmara waxaa ku
shiray hoggaamiyayaasha saddexda dowladdood Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea,
kuwaa oo isku afgartay wafdi heer wasiirro ah loo diro dalka Jabuuti.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]