4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Duqeyn lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday degmada Jilib

 

Sabti, September, 08, 2018 (HOL)– Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen goobjoogayaal magacooda u qariyay sababo amni.

Duqeynta oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn cida fulisay ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday sarkaal sida la sheegay ka tirsan Al-shabaab oo ka mid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee Ururka Koonfurta Soomaaliya.

Lama oga in bartilmaameedka lagu guuleystay in lagu wax yeelleeyo sarkaalka la beegsaday, hasse ahaatee dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa madaafiicda ay ridayeen diyaaradaha dagaalka ee weerarkan geystay.

Horay weerarro lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka Africom oo sheegtay weerarro dhowr ah oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliska ciidamada militariga Soomaaliya oo maalin ka hor la shiray saraakiil ka tirsan howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dalbaday in Mareykanku sii wado weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]