9/26/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab


 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Taliska ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa shaaciyay inay socdaan dadaallo lugu raadinnayo sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 qof oo u badan odayaal, kuwaas oo ay al-Shabaab maalmo ka hor ka af-duubteen deegaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dadaalladan waxaa qeyb ka ah odayaal dhaqameed iyo wax-garad ka soo jeedda deegaannada Galmudug,sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee SONNA.

"Waxaa socda qorshayaal la doonayo in malleeshiyaadka al-Shabaab gacantooda looga soo saaro dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale." ayuu yiri taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee ciidanka xoogga Soomaaliya,G/dhexe Cabdiqaadir Maxamed Cartan.

Lama garanayo halka ay dadka ku hayaan kooxda al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe, saddexdii bishan ayaana la sheegay inay 70 qof oo u badan odayaal inay ka qafaasheen Gal-qoryaale iyo deegaannada hoostaga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
 

 







Click here
9/7/2018 1:43 PM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Hal qof ayaa ku geeryooday shan ruux oo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax aan la sheegin nuuciisa balse la yiri waxa uu ahaa bir ay garaacayeen shaqaale ka tirsan geerish ku yaalla magaalada Qardho.

9/7/2018 12:19 PM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

9/7/2018 11:24 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Jabuutii,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mahadceliyay dadaallada lugu raadinayo in xal-waara laga gaaro xiisada kala dhaxeysa Jabuuti dalka Eritrea, kaddib markii labada dal gaareen heshiis horudhac ah oo u gogol-xaaraya in lasoo af-jaro colaaddii muddo taagnayd.

9/7/2018 11:00 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Soomaaliya ayaa la wareegaysa shir-guddoonka golaha wasiirrada Jaamacadda Carabta,kaltankiisa 151,aad, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

9/7/2018 10:28 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay madaxda dowlad gobolleedyada xisaab celin ku aadan lacagaha dowladda dhexe ay siiso dowlad gobolleedyada, xili madaxda maamulada dalka shir ka dhan ah dowladda dhexe ku leeyihiin Kismaayo

9/7/2018 8:02 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo iyo acmaasha xajka isugu jira oo uu ugu maqnaa dalka boqortooyada Sucuudiga.

9/7/2018 7:14 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Baarlamaanka dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida oo fadhi ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa qaatay go’aamo masiir ah, iyaga oo isku raacay in la badalo calanka iyo magaca ismaamulka Soomaalida.

9/7/2018 4:55 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Dowladda Kenya ayaa is hortaagtay Talaadadii todobaadkan diyaar ka anbabaxday magaalada Muqdisho in ay ka digto garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

9/7/2018 4:11 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)–Kaddib kulan magaalada Jabuuti ay ku yeesheen wasiirro arrimo arrimo dibeddeedka wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban.

9/7/2018 3:46 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda Mareykanka, waxaana ay ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

9/7/2018 12:16 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Ciidamo ka tirsan dowladda Sooamaaliya ayaa lagu waramayaa subaxnimadii Arbacada ee todobaadka weerar ku qaadeen guriga iyo beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan uu ku leeyahay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

9/7/2018 12:04 AM EST
Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay ugaga hadlayso xoriyada hadalka ee dalka Soomaaliya iyadoo warbixinta lagu sheegay in horumar laga sameeyay xoriyaa hadalka balse weli loo baahan yahay in la sii hormariyo.