4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Kumanaan arday oo u fariisatay Imtixaanka Qubuulka ee Jaamacadda Benaadir


Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maanta Xarumaha Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ka bilowday imtixaanka ogolaan-shaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan ardaydii ugu badneyd.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Banaadir Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Jaamacada ay sanadkan ay iska diiwaan-geliyeen arday ka badan 2,500 oo dhamaan-tood ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka, isuguna jiro hablo iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney soo dalbadeen 12-ka kuliyadood ee ay Jaamacadaas ka kooban tahay.

“Iyadoo fursad loo siinayo ardayda ka imaneysa dalka dibediisa iyo gobolada dalka ee soo dalbanaya Jaamacada Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday dhowr qeybood, qeybta koowaad ee maanta beri u fariisanaya imtixaanka waa 1,166 arday oo 409 ka mid ah ay yihiin gabdho, qeyb labaad iyo qeybo kale ayaana xigi doona, todobaadyada soo socda waxaana ardayda guud ahaan soo dalbatay Jaamacada ay tiradoodu dhan tahay sanadkan 2,500 kuwaasoo ka badan ardaydii sanadkii hore soo dalbatay” ayuu yiri Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed oo intaa ku daray in diiwaangelintu ay weli socoto ayna filayaan ardayda sanadkan ku soo biirtay jaamacada ay tiradoodu 3,000 kun kor u dhaafto.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa isna sheegay iney ku faraxsan yihiin ardayda faraha badan ee sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda, isagoo u mahad celiyey waalidiinta ardayda cusub ee soo dalbaday Jaamacadda Banaadir oo uu sheegay in looga bartay waxbarasho tayo leh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir ee sanadkan ay u fariisanayaan arday aad uga badan kuwii sanadihii hore, wuxuuna xusay in imtixaankan lagu qiimaynayo heerka aqoonta ardayda cusub ee Jaamacada ku biireysa.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan bilowno Imtixaanka soo gelitaanka ama qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2018-2019, waxaana u fariisanaya sanadkan ardaydii ugu badneyd ee abid u fariisata imtixaanka qubuulka mudadii 18-ka sano aheyd ee ay jirtay,taasoo muujineysaa, khibrada sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay bulshada” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in dib u habeyn lagu sameeyay manaahijta kulliyadaha Jaamacadda, si ay ula jaan-qaadaan culuunta casriga ah ee Jaamacadaha caalamka.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa u mahad celiyey guddiyada Jaamacadda ee soo diyaariyey imtixaanka iyo isku dubaridkiisa iyo xogheynada kala duwan oo uu sheegay iney ka soo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariisaneysa u rajeeyey guul iyo nasiib wanaagsan.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar iyo Eng. Khaliif Muuse, hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada Raage Maxamed Shahiid iyo xubno kale oo dhamaantood ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ay ugu talo gashay ardayda cusub ee ku soo biireysa sanadkan.

Masuuliyiinta iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Banaadir ayaa kormeeray Imtixaanka, kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay sida habsamida leh ee uu u socday, iyagoo ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayey nidaamka imtixaanka loo galayo.

Jaamacada Banaadir ayaa Sanad walba xiligan oo kale waxaa ku soo biira arday fara badan oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, waxaana taa bedelkeed ka qelin jebiya boqolaal kale oo muddo sanado ah wax ka baranayey 12-ka kuliyadood ee ay Jaamacaddu ka kooban tahay iyo qeybaha kale ee waxbarashada heerka labaad ee Masterka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]