4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Eritrea iyo Jabuuti oo la dhaxdhaxaadinayo

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Saddexda Wasiirro arrimo dibedeed ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaaray dalka Jabuuti, kaddib shir madaxeedkii maalintii shalay magaalada Asmara ku dhaxmaray madaxweynayaasha saddexda wadan.

Shirka ugu soo dhamaaday Jabuuti saddexda madaxweyne ayaa qodobadii ku jiray waxaa ka mid ahaa in wasiiradooda arrimaha dibedda ay u diraan Djibouti si nabad looga dhex dhaliyo labada dal ee deriska ah.

Wasiirradan ayaa markii ay tageen dalka Jabuuti waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saartay wasaarradda arrimaha dibedda Jabuuti, hasse ahaatee maalinta berri ah ayaaa filayaa in saddexda wasiirro arrimo dibeddeed iyo dowladda Jabuuti u bilaawdaan wada hadallo.

Socdaalka ayaa qeyb ka ah dadaallo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea iyadoo ugu danbeynti-na la filayo in uu dhaco shir  ay yeeshaan madaxweynayaasha labada dowladdood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]