9/26/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay gaadhi xalay laga afduubtay Hargeysa oo ay soo qabteen


 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Koox budhcad ah ayaa xallay fiidkii Gaadhi nooca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Oomaar ku afduubteen bariga magaalada Hargeysa, kuwaas oo lala baxsaday.

Hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska ayaa xallay xilli dambe gacanta ku soo dhigay gaadhigii xamuulka ahaa iyo gaadhigii ay wateen kooxda afduubka samaysay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka warbixyey qaabka gaadhigaasi loo dhacay iyo qaabkay u soo qabteen, waxaanu yidhi “ abaaro toddobadii fiidno geerash ku yaala agagaarka hoteelka Kaah gaadhi xamuul ah oo nooca waaraadka loo yaqaan ah oo rarnaa ay koox budhcad ahi ku afduubatay, waxaanay wateen budhcadaasi gaadhi Nooha ah, gaadhigan xamuulka ah oo markaa dirawalkii ka degay Kirishboygiina la joogo intay dhaawaceen la baxsadeen gaadhigii, ciidanka boolisku hawlgal balaadhan ayuu markiiba gallay iyagoo jihooyin kala duwan ciidamadii joogay ku soo baxeen oo ay raad ceeyeen gaadhiga”

 

Waxaanu intaas ku daray “Nasiib wanaag waxay iska heleen Ciidankii booliska iyo kooxdii budhcadda ahayd meel toban KM magaalada Bander wanaaag koonfur ka xigta, waxay kooxdaasi sameeyeen iska caabin, waxaana ku guulaysanay in gaadhigii xamuulka aha ee rarnaa iyo gaadhigii ay wateen kooxdaasi budhcadda ah ay gacanta ku dhigaan.”.

Talaabadna ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Hargeysa dhexdeeda gaadhi lagu afduubo, inkastoo ciidanku faahfaahin ka bixin sababta gaadhig loo kaxaystay,waxaase sheegeen inay talaabo ka qaadi doonaan oo sharciga la hor geeni doono.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.







Click here
9/6/2018 11:50 PM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Waxaa maanta Xarumaha Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ka bilowday imtixaanka ogolaan-shaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan ardaydii ugu badneyd.

9/6/2018 2:30 PM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib shirkii Saddex geesoodka ahaa ee uu kaga qeyb galay magaalada Asmara, kaasi oo u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

9/6/2018 10:12 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Saddexda Wasiirro arrimo dibedeed ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaaray dalka Jabuuti, kaddib shir madaxeedkii maalintii shalay magaalada Asmara ku dhaxmaray madaxweynayaasha saddexda wadan.

9/6/2018 8:28 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Golaha deegaanka degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa doortay duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa,doorashada ayaa ka saartay magaalada ganacsiga ah maamul kumeel-gaar ah oo muddo shaqeynayay.

9/6/2018 6:31 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

9/6/2018 3:43 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Labo Qof ayaa ku dhintay dagaal la sheegay inuu hada ka socdo deegaanka Dan-dan oo hilaadii 40km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

9/6/2018 1:31 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee dowlad deegaaanka Soomaaliyda Itoobya Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Diid Mahad Caloow ayaa ka dalbatay bulshada Soomaaliyeed in ay u gurmadaan wiilkeeda Cabdi Maxamuud Cumar oo sida sheegtay xabsiga ku dhax xannuunsanaya.

9/6/2018 1:10 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha degmada Xamar –Weyne Cumar Shariif Maye ayaa lagu soo oogayaa dacwad ka dhan ah in uu gafay Booliiska Soomaaliyeed iyo xukuumadda uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

9/6/2018 12:52 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa wargeyska The New York Times ka dalbay inuu sheego magaca qof Aqalka Cad ka shaqeeya oo qoray maqaal uu wax kaga sheegay madaxweyne Trump.

9/6/2018 12:35 AM EST
Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)-Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku kala sixiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.