4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Boosaaso: Duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa oo la doortay

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) – Golaha deegaanka degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa doortay duqa degmada iyo ku-xigeenkiisa,doorashada ayaa ka saartay magaalada ganacsiga ah maamul kumeel-gaar ah oo muddo shaqeynayay.

Labo musharrax ayaa ku tartamay duqa degmada, waxaana 28 cod ku guuleystay,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo noqonaya duqa cusub ee degmada, halka musharraxa kale ee xilkan kula tartamayay ,Maxamed Mire uu ka helay golaha deegaanka 3-cod , guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay natiijada.

Xildhibaannada golaha deegaanka waxaa kalo ay isla maanta doorteen ku-xigeenka duqa degmada, waxaana xilka ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed (Garoon) kaasoo helay 26 cod halka musharrixii la tartamayay Mubaarak Salaad Cali uu isagana helay 5 cod, iyadoo markiiba la dhaariyay maamulka cusub ee degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Boosaaso,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo xilkan heynaya shanta sanno ee soo socota , wuxuu horey uu u ahaa sii haya duqa magaalada Boosaaso, kaddib markii madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas uu kala direy golaha deegaanka Boosaaso bishii March ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online