4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka tirsan midowga Yurub


Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)–Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.

“Waxaan bogaadinaya wada shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa malmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay hay’adaha Soomaaliya ka tageera waxbarashada dalka kuwaasoo dhamaantood ballan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]